Cabdi Waal” oo mudo laba sano baxsad ka ahaa Dowlada Soomaaliya islamarkaana shalay gelinkii danbe loo soo gacan geliyey Dowlada ayaa waxaa uu ka hadlay Cida uu baxsadka ka ahaa iyo qaabka loo soo qabtay.
Cabdi Nuure waxaa uu sheegay in Siyaasada Dowalda Xasan Sheikh uu baxsad ka ahaa kuna sugnaa Wadanka kenya isagoo sheegay in amaan iyo nolol uu ku heystay Magaalooyinka Dhuusomareeb & Guriceel.
Waxaa Cabdi waal la sheegay in qaab shirqool ah loogu yeeray wadanka kenya halkaasna si uusan fileyn loogu qabtay Siyaasi Cabdi Nuure Siyaad.
Dowlada Xasan Sheikh ayaa Siyaasiyiin uu qeyb ka ahaa Cabdi Nuure waxaa ay ku qaadeen weerar Qorsheysan xili habeen ah markaas oo ay degenaayeen Gudaha Magaalada Muqdisho isagoona xiligaas Cabdi uu u baxsaday Gobolad Dhexe Ee Dalka gaar ahaan Meelaha ay maamulaan Culimad Ahlusunna.