Doonida hubka badan siday ee la sheegay inay ku soo wajahneyd xeebaha dalka Somaliya ayaa la aaminsan yahay inay ka timid dalka Iran sida uu baahiyay telefishanka NBC ee dalka Mareykanka.
Ciidamada Badda Australia guutada lagu magacaabo HMAS Darwin ayaa ka qabtay doonida yar oo lagu qariyay hubka meel 200 oo mile u jirta xeebaha dalka Cuman, waxayna ciidamadaasi qeyb ka yihiin ciidamo ka kooban dalalka Canada, Mareykanka, UK iyo wadamo kale oo la dagaalama Burcad badeeda iyo dhoofinta waxyaabaha maanka dooriya.
Ciidamada Australia ayaanan faah-faahin dheeri ah ka bixin doonidaasi iyo waxay aheyd, laakiin saraakiil ka tirsan ciidamada Badda Mareykanka ayaa aaminsan in doonidaasi ka timid dalka Iran, maadaama shaqaalaha ay yihiin kuwo Iran u dhashay.
Hubka la qabtay ayaa ka koobnaa 1989 qori oo Ak-47 ah, 100 gantaalada gacanta laga gano ah, 49 PKM oo Russian ah,iyo ku dhawaad 60 hoobiye ah.
Ciidamada badda Mareykanka ayaa markii hore sheegay in doonida ay u socotay kooxaha xuutiyiinta dalka yemen, balse markii dambe ayay sheegeen iney xaqiiqo tahay in hubka uu ku soo wajahnaa xeebaha dalka Somaliya.
Dowlada Iran ayaa dhawaan mamnuucday dhoofinta hubka marka loo eego qodobadii kamid ahaa hishiiskii dhanka Nuclear-ka ee la gaaray.