Wararka haatan ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in goor dhaweyd uu ka dhacay qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya oo ku sugnaa inta u dhaxeysa deynuunaay iyo maanya fuulka ee duleedka Magaalada Bayhdabo.
Wariyaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa kusoo waramaya in qaraxa uu geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya oo ku sugnaa inta u dhaxeya deynuunaay iyo maanya fuulka kuwaasi oo haatan la geeyay isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo.
Ilaa hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxa ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
WARKAAN WIXII KUSOO KORDHA NAGA FILLO INSHA’ALLAH