Shariif Xasan sheekh aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si adag kaga hadlay Weerarada Alshabaab ee sii kordhay iyo sida amaanka loo sugi karo.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheikh, ayaa sheegay in amaanka lagu xaqiijin karo wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta shacabka magaalada Baydhabo iyo laamaha amaanka, si looga hortago weerarada Alshabaab.
Shariif Xasan sheekh aadan ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ay gaarto shacabka islamarkaana loo baahan yahay in maamulka iyo shacabka ay wada shaqeyn fiican muujiyaan si looga hortago halista alshabaab.
Hadalka Shariif Xasan ayaa kusoo aadaya xili magaalada Baydhabo todobaadkii hore ay ka dhaceyn qaraxyo culus oo dad badan lagu halaagay.