Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in Qarax Miino oo khasaaro geystay lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dwlada Federaalka Soomaaliya.
Qaraxa ayaa waxa uu si rasmi ah ugu dhacay duleedka magaalada Beydhabo ee Xarunta gobolka Baay, waxaana khasaaro ka soo gaaray Ciidamada Dowlada ee halkaasi ku sugnaa.
Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca ciidanka ah oo y wateen Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay gariga inta badan ciidankii saarnaa.