Wasaarada Amniga Maamulka Koonfur Galbeeed Soomaaliya ayaa kulan ka yeelatay wax kaqabashada jidgooyoyinka lagu dhibayeyo shacabka.
Wasiirka Aminga Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa Sheegay Inay Qaadeyso waraaridiisa talaabo deg deg ah wax ka qabashada jidgooyoyinka lagu dhibayeyo shacabka Gobolkaasi
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shekh Adan iyo qaarnka mid wasiirada KGS saraakisha Ciidanka qalabka sida maamulka Gobolka Bay iyo Odayaasha dhaqanka KGS.
Kulanka waxaa laga aqriyay qoraal soojeedin aysoo diyaariyeen gudi wasiiro iyo saraakil ah oo ahaa sidii baraha koontorol ee lacagaha sharci darada ah loo joojin lahaa iyo sidii ciidamada loo habeyn lahaa si loo cirib tiro nabad diidka.
Aqrinta qoraalada kadib ayaa laga codsaday odoyaasha dhaqanka sidii ay u ayidi lahaayen soo jeedintaas si goaan looga dhigo.ugu dambeyn waxaa laysla gudoomay in go”aan qoraal ah lasoo saaro wasaarada Amnigana Ay fuliso.