Dowlada Iiraan ayaa maanta tijaabisay dhoor Gantaal oo nuuca ridada dheer ah, kaa oo gaari kara dhulka ay maamusho Israa’il, waxaana gantaaladan la tijaabiyay loo yaqaanaa Qadr h.
Gantaalkan cusub ee Qadr H , ee tijaabisay Dowlada Iiraan ayaa la sheegay in uu yahay mid casri ah oo awooda in uu gaaro dhulka ay maamusho Israa’il, waxa uuna gantaalkan Cusub gaari karaa masaafo dhan 2000km.
Tijaabada Gantaalka Qadr H, ayaa ka dhacday Waqooyiga Dalka Iiraan oo laga soo tuuray, waxa uuna Gantaalkan sidii loogu tala galay ugu dhacay una gaaray Koonfurta Dalka Iiraan meel qiyaastii 1400km u jirta halkii laga tuuray.
Afhayeenka u hadlay Ciidamada milatariga dalka Iiraan ayaa sheegay in tijaabadan ay noqotay mid lagu guuleestay una dhacday sidii loogu tala galay, waxa uuna tilmaamay Afhayeenka in Gantaalkan uu awoodo in uu gaaro dhulka Israa’il ay heesato.
Dowlada Mareykanka iyo qaar kamid ah Dowladaha Reer Galbeedka ayaa cambaareeyay tijaabada ay Iiraan ku sameesay Gantaalkan Qadr H, waxa ayna Dowladahan tilmaameen in tijaabadan ay sameysay Iiraan uu hareer marayo cunaqabateyntii Iiraan horay looga saaray tijaabinta gantaalada ridada dheer.