Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa madaafiic culus oo lagu garaacay magaalada kismaayo ee xaruunta gobalka jubbada hoose waxaana ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Hoobiyaasha kismaayo lagu weeraray ayaa inta ugu badan ku dhacay xaafadda Via Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo dad shacab ah ay ku dhaawacmeen.
Afar qof ayaa dhaawac kasoo gaaray duqeyntaasi kadib markii guryahooda ay madaafiicda ugu tagtay.
Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa sheegay in madaafiicdaan ay soo tuureen Xarakada Al-shabaab, lagana soo tuuray duleedka Kismaayo oo howlgallo ay kasoo sameeyeen.
Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa ka qalqalay madaafiicda lagu soo garaacay xaafadahooda.