Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo sheegay inay fashiliyeen weerarkii habeenkii Talaadada lagu qaaday Degmada Awdheegle Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in gaaladu ka soo horjeedo ku dhaqanka Shareecada Islaamka, oo sida uu sheegay in looga dhaqmo Degmadaasi.
Afhayeenka, ayaa yiri “Degmada Awdheegley waxay ka mid tahay Wilaayaadka Islaamiga ah. Wilaayadka Islaamiga iyo dadka Muslimiintana cadaawad bay cadowgu u hayaan.”
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata, ayaa yiri “Marka kowaad dagaal joojin maayaanee illaa aan ka tanaasulno Shareecada Islaamka. Marka labaad waxay aad uga xun yihiin ku dhaqanka Shareecada Islaamka, oo ammaan ay ku helayn ummada Somaliyeed oo rafaad ka daashay. Tan saddexaadna waxaa weeyaan waxay rabaan inay carada gumeystaan, oo iyagu loo hogaansamo.”
Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Radio Al Andalus, ayaa intaa ku daray “Waxyaabahaasoo dhan marka la’isu geegeeyo waxay ka dhigeysaa inay marwalba weeraradooda iyo gaadmadooda sii wadaan.”
Ma sheegin cid gaar ah oo lagu bartilmaameydsanayay weerarkaasi, marka laga soo taggo inuu yiri waxaa dagaal lagula jiraa ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Wuxuu ka gaabsaday in dal gaar ah uu ku eedeeyo weerarkaasi, balse wuxuu sheegay inay hayaan raadad ay ka taggeen xoogagii qaaday weerarka fashilmay, isla-markaana ay baaritaano wadaan.
Abuu Muscab, ayaa ku faanay in Ciidanka Xisbada oo qaabka Booliska u tababaran, ay u diyaarsnaayeen ka hortagga weerarkaasi, isla-markaana ay dharbaaxsho culus ku dhufteen xoogagaasi. Xoogagan shisheeye ayuu sheegay inay wateen laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah, ayna ku soo daggeen meel bannaanka ah Awdheegle, isla-markaana ay lug ku soo galeen gudaha Degmadaasi.
Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Mareykanka (Xarunta Wasaaradda Difaaca Pentagon-ka), ayaa wuxuu qiray in Ciidamada Mareykanka oo taageero ka helaaya Ciidamada Somaliya, ay hawlgal ku galeen Degmada Awdheegle, balse aanay gaarin goobihii uu bartilmaameydku ahaa.
Weerarkan wuxuu u muuqdaa noociisii saddexaad oo Reer Galbeedku looga fashiliyo Gobolka Shabellaha Hoose. Sanadkii 2013-ka ayay ahayd markii weerar fashilmay ay Ciidamada Commandos-ka Faransiiska ku qaadeen Degmada Buulo Mareer, halka 2014-kiina ay Ciidamada Mareykanka weerar kale oo fashilmay ku galeen Degmada Baraawe.