Waxaa lasoo bandhigay Muuqaal toos ah oo kaamirada qarsan ay duubtay Bishii Oktoobar Sanadkii lasoo dhaafay 2015 kaasoo muujinaya Nin Sweden ah 21-jir-na lagu sheegay da’diisa oo Seef ku weeraray iskuulka Kronan ee ku yaala magaalada Trollhätan ee Dalka Sweden waxaana halkaasi uu ku dilay 15-jir Soomaali ah.
Video-ga ayaa muujinaya sida uu ninkaan cunsuriga ah u raadinayo arday isaga oo qaasan la sheegay in uu bartilmaameed ka dhiganayay ardayda Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ajaanibta ah.