Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax culus oo caawa ka dhacay magaalada Garbahaareey ee Gobalka Gedo waxaana jira qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Warar waxaa ay sheegayaan in Qaraxa uu ka dhacay Maqaaxi ku taalla Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo,waxaana ku dhintay inta la og yahay Saddex Ruux oo Shacab ah oo ay kamid tahay Haweeneydii iska la heyd Maqaaxida.
Sidoo kale inta la xaqiijiyay waxaa dhaawac uu soo gaaray dad gaaraya 4-qof waxaana markiiba Ciidanka Amaanka ay bilaabeen baaritaan ku saabsan qaraxaasi.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Qaraxu uu ahaa Miino Goobta lagu Aasay islamarkaana ay ku raad joogaan Dadkii ka dambeeyay.