Waxaa isa soo taraya xogaha qarsoon ee ku saabsan bartilmaameedka Weerarkii Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay ku qaadeyn deegaanka Awdheegle ee gobalka Shabeelaha hoose halkaasi oo saldhig u ah Alshabaab.
Maxamed xuseen Shiine oo ah Afhayeen ka tirsan maamulka Gobalkasi ayaa sheegay in Diyaaradaha Mareykanka ee Weerarka ku qaaday Aw-dheegle ay Nolosha ku wateen Saraakiil Shabaab ah oo uu ka mid yahay Sargaal Magaciisa lagu soo Koobay Abuu Cubeyda oo ah Kuxigeenka Howlgaladda Al-shabaab ee Shabellaha Hoose.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Howlgalkaasi uu ahaa mid Qorsheysan oo ay wada qaadeen Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya.