Faah faahin Cusub ayaa saaka laga helayaa qarax culus oo xalay ka dhacay Maqaaxi ku taalada magaalada Garbahaarey ee gobalka gedo halkaasi oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteyn 4-qof iyo dhaawaca oo gaaray 5-kale
Guddoomiye ku xigeenka maamulka Garbahaareey Cabdi Barre Dhaggeey ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa nooca miinada meelaha fog laga hago isla markaana la dhigay meel ay maqaayad ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.
Xaaladda magaalada ayaa saaka deggan in kastoo isgaarsiinta magaalada ay hawada ka maqan tahay wixii ka dambeeyay markii qaraxa uu dhacay.