Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay Ammaanka Gobolka Banaadir,waxaana uu Shacabka ku nool Muqdisho ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya si wax looga qabto Amniga.
Shacabka ku nool Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa laga doonayaa in ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka oo ay soo sheegaan dadka Falalka Amni daro ka geystay Magaalada Muqdisho,si Amniga Casimadda gacan bir ah loogu qabto”ayuu yiri Guddoomiye Yuusuf.