Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xaruunta gobalka Baay waxaa maanta halkaasi xukun adag lagu riday 7-ruux oo la sheegay in ay ka dambeeyeen Weerarkii isqarxinta ahaa ee dhawaan ka dhacay magaaladaasi.
Maxkamadeynta ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan cali Yaroow iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Ilaa 7 Eedeysane oo Maxkamadda la hor keenay ayaa waxaa mid kamid ah lagu Xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah,iyadoo mid kale Maxkamadu ay siideysay,waxaana 5 kale lagu Xukumay Dil Toogasho ah.