Dowlada Jermalka ayaa soo saarty go’aan ay si weyn uga caroodeen wadamado badan oo ay ku jidho Sweden. Iyadoo wadamadaas ay ku hanjabeen in ay dowlada Germany horgeyn doonaan maxkamada Yurub. Jermalka ayaa ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin in wadamada kale ay dib ugu soo celiyaan qaxootiga soo maray wadankooda, taasoo jabinaysa xeerka Dublin.
Sida caadiga ah ayaa sharcigu farayaa in qofka qaxootiga ah in uu magangalyo ka dalbado wadanka ugu horeeya ee uu soo maray, iyadoo dad badan ay Germany uga soo gudbeen Sweden. Ilaa sanadkii hore ayaa dowlada Sweden waxay dib ugu celinaysay qaxooti badan oo Germany transit ku soo maray balse hadda ayaa Germany diiday arintaas.
Dadkaan ayaa ah kuwo faraha looga qaaday Jermalka balse u sii gudbay wadanka Sweden iyo wadamo kale. Nidaamka Jermalka ayaa ah mid labo talaabo ah, oo markii uu qofku wadanka soo galo diiwaan galin lagu sameeyo ka dibna talaabada labaad ay tahay in uu magangalyo dalbado. Jermalka ayaa hadda waxaa ku sugan qaxooti u dhexeeya 300,000 – 600,000 qof oo aan wali magangalyo dalban iyadoo kala bar aan faraha laga qaadin.
Wasiirka socdaalka Sweden Morgan Johansson ayaa sheegay in uu fahansayahay sababta ay Jermalku u diidayaan in dib loogu soo celiyo dadka ka baxay wadankooda, maadaama ay wali Jermalka soo galayaan tobonaaan kun oo qof isbuuckasta balse ay muhiim tahay in la raaco xeerka Dublin. Marka loo barbar dhigo Germany ayaa tirada qaxootiga soo galaya Sweden ay aad hoos ugu dhacday ka dib markii xuduudaha ay xirtay Sweden. ilaa bilowga bisha Maarso ayaa Sweden waxaa soo galay 667 qof oo keliya, Sidaa darteed ayaa wasiirka socdaalku sheegay in ay muhiimtahay in Sweden ay sii adkayso xuduudaha iyo waydiinta aqoonsiga.
German Chancellor Angela Merkel (R) and Swedish Prime Minister Stefan Loefven arrive for a press conference after talks in Berlin September 8, 2015. German Chancellor Angela Merkel welcomed European Commission chief Jean-Claude Juncker’s plan to relocate refugees from overstretched EU states, but said it was only “a first important step”. AFP PHOTO / TOBIAS SCHWARZ