Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare kuyaala Deegaanka Tooro-Toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ay ku toogteen Wiil dhalinyaro ah ay ku eedeeyeen in uu wada shaqeyn la lahaa Ciidanka Dowlada Soomaaliya.
Qaadiga Al-Shabaab ee Xukunka riday ayaa sheegay in Mukhtaar Max’med Shatari , oo ahaa Wiil Dhalinyaro ah uu la shaqeenayay Ciidanka Dowlada ee ku sugan Buulo-Mareer uuna u geyn jiray Boonooyinka canshuuraha iyo raashin.
Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha xukunka dilka ah Xarakada Al-Shabaab kula fulneysay wiilkan dhalinyarada ah ee ku eedeeyeen in uu la shaqeenayay Ciidanka Dowlada , mana jirto cid ka madax banaan Shabaab oo xaqiijineysa in Wiilkaasi uu la shaqeenayay Ciidanka Dowlada.
Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ayaa Mukhtaar Max’med Shatari , waxa ay kasoo qabteen Deegaanka Golweyn ee Duleedka Buulo Mareer , waxa ayna ugu dambeyn Al-Shabaab xukun dil ah ku fuliyeen wiilkan dhalinyarada ah shalay galab.
Al-Shabaab ayaa inta badan deegaanada ay kataliyaan waxa ay marar badan kafuliyeen xukuno dil ah ay ku rideen rag iyo dumar lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen Ciidanka Dowlada iyo kuwa kale oo lagu eedeeyay in ay la shaqeenayeen Sirdoono shisheeye.