Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobalka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi ciidanka dowlada ay ku dileyn ni n ka tirsanaa Alshabaab oo rabay in uu qarxiyo gudoomiyaha degmadaasi.
Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Xuseen Barre ayaa sheegay in ninka la toogtay ay ku arkeen bambaanooyin uu sitay iyo waxyaabo kale oo uu isticmaali rabay qarax Miino oo uu ku xiro goobahaasi uu weerari rabay.