Maamulka Koonfur Galbeed Soomalia ayaa magacaabay gudi amni kaasoo ka kooban Wasiiro iyo saraakiil ciidan waxaana durbadiiba ay soo saareyn amaro ka dhan ah Xaasaska horjoogayaasha alshabaab iyo dadka taageera.
Sheekh Xasan Lugbuur oo ah Wasiirka Maaliyada ahna Guddoomiyaha Guddiga amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in si deg deg ah looga baahan yahay Xaasaska Shabaab ee ku sugan Magaalooyinka Maamulka Koonfur Galbeed inay si deg deg ah u tagaan xarumaha Maamulka oo ay isdiiwaangeliyaan, si loola socdo dhaqdhaqaaqooda.
Waxa uu sheegay sidoo kale dadka ganacsatada ah iyo dadka ku nool Magaalooyinka Maamulka Koonfur Galbeed in dhankooda looga baahan yahay inaysan qarin xubnaha Shabaabka ee ay arkaan, hadii ay qariyaana iyaga loo arkaayo inay Shabaab ka tirsan yihiin.
Awaamiirtaan ayaa la xiriirta suggida ammaanka Magaalooyinka Maamulka Koonfur Galbeed, si looga hortaggo weeraro Shabaab ay ka geystaan Magaalooyinka