Guddoomiyaha Degmada Afgooye, C/qanai Yuusuf Axmed oo u waramay Wakaalada Muurinews ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qalalaasi siyaasadeed uu ka dhex-jiro Maamuulka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Guddoomiye C/qanai Yuusuf Axmed waxuu carabka ku dhuftay in Degmada Afgooye uu soo gaaray shaqsi sheeganaya inuu yahay Guddoomiyaha Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose, taasina ay keentay in cirka ay isku sii shareerto Xiisada Siyaasadeed ee ka dhex aloosan Maamulkaasi.
Guddoomiyaha Degmada Gobolka Sh.Hoose, C/qanai Yuusuf Axmed ayaa ugu baaqay Maamulka Koomfur Galbeed ee Soomaaliya in faragelin deg deg ah ay ku sameeyeen is qab qabsi la xiriira Maamulka Degmada Afgooye.
Dhawaan ayey aheyd markii Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose lagu wareejiyay Nin sheeganaya in uu yahay Guddmiyaha Gobolkaasi.