Magaalada Marka waxaa ku sugan Ciidamo badan, kuwaas oo dhamaantood kala wata Shaarar kala duwan, balse isku ujeedo ah.
Ciidamada ku sugan Magaalada Marka ayaa ku kala socda Magac Dowladeed (Militari) Maleeshiyo Beeleed iyo qaar ku socda Magac Hay’adeed.
Dadka Deegaanka ayaa iyagana Magacyadaan tirada badan u yaqaana Mooryaanta, Magacaas oo u baxay 1991 iyagoona marwalba isku daya in ay magacaas ku qariyaan Magac Hey’ad, Magac Dowladeed iyo Beeraleey.
Si kastaba ha ahaatee waxey dhamaantood wataan magac Mooryaan waxeyna ka mideysan yihiin Xasuuqa Shacabka Shabeelada hoose, gaar ahaan Beesha Biimaal.
Gobolka Shabeelada hoose waxaa ka dhacay Kacdoon dadka deegaanka ay isaga saarayeen Mooryaanta kusoo duushay deegaanada Beesha Biimaal, Kacdoonkaas oo meel fiican maraya, ayaa waxaa markii dambe loo leexay jiho qaldan.
Wixii markaa ka dambeeyay ma jirin wax dharbaaxo oo ku dhacay markii laga reebo in Mooryaanta Maalin walbo ay laayaan Shacabka Beesha Biimaal, iyadoona aysan jirin cid is weydiineysa Dilkooda.
Dhalinyaradii Dalkooda xureysan lahaa waxaa lagu mashquuliyay in ay shaqsiyaad daacad u kala ahaadaan, halkii Dadkooda iyo Dalkooda ay ka difaaci lahaayeen.
Guud ahaan waxaan jirin, wax layiraahdo nidaam oo markaasi ka jawaabi kara Baahida Shacabka.
Soomaalidu waxey tiraahdaa Run iyo ilkaba waa la cadeeyaa, Runta oo lasoo bandhigana Sibir waa ka qaraartahay oo Dadka qaar ma maqli karaan, Runtii Maqaallo badan oo horey oo loogu soo daabacay Warsidaha Muurinews.com, kuwaas oo dhamaantood iftiiminayay halka dhibaatada ay ka heysato Beesha Biimaal.
Arimahaan oo dhan ayaa waxaa looga gudbi karaa, isku duubni, is aaminid, iyadoona la kala saarayo Kacdoonka guud ahaan Beesha Biimaal ay wado iyo Shaqsiyaadka ka dhex faa’ideysanaya Kacdoonka Shacabka isla markaana raadinaya Magac iyo Dano Siyaasadeed.