Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay xilligan Maamulka Puntland inuusan u baahneyn in ciidamo ka socda Amisom la geeyo deeganada Maamulkaasi, xilli Ciidan hubaysan oo Shabaab ka tirsan ay isku fidiyeen deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal.
C/wali Gaas, ayaa ku faanay inay isku filan yihiin oo ay la dagaalami karaan ciidamada hubaysan ee Shabaabka ka tirsan, isaga oo sheegay inuusan haynin tirada saxda ah ee Shabaabka halkaasi soo galay.
“Runtii anaga Amisom uma baahnin Dowladaha caalamka waxaan ka wada hadalnay wixii taakuleyn ah oo ciidanka SNA ee Koonfurta Somaliya jooga ay helaan inaan helno anagana, sababtoo ah Shabaab Buuraha galgala ku jira ayaan la dagaalamaynaa ama Amisom ama ciidanka Dowladda ha ahaato taageerada ay helaan kuwa la mid ah ayeey xaq u leeyihiin ciidanka Puntland.”
Gaas wuxuu tilmaamay ciidamada Shabaabka ee Gobolka Nugaal ku sugan inay ka yimaadeen dhanka Koonfurta Somaliya iyo Gobolada Dhexe.
“Sida aan maqleyno waxa ay ka yimaadeen Gobolada Dhexe iyo Koonfurta Somaliya koleey dhankaasi ayeey ka yimaadeen.” Ayuu yiri Gaas.