Cabdiqaadir Shire Faraax ‘’Ereg’’ Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaalada ka socda deegaanada Xeebaha Puntland ee u dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidanka Puntland.
Kornayl Ereg’ ayaa sheegay in Kooxda alshabaab ee kaso dagay Garacad ay yihiin Naf lacaari, wuxuu sheegay in ka carareen Boorsooyinkii ay wateen, isla markaana ay goor dhow dharbaaxo la mid ah tan ku dhacday saaxiibadood ay ku dhici doonto.
Dhinaca kale wuxuu wuxuu sheegay in Argagixisadu ay muddo badan ka sheekayn doonaan jabka ka qabsaday Dhulka Puntland. Wuxuuna intaas ku daray in Kooxdii Suuj uu Maydkooda iyo dhaawacoodu daadsan yahay Dhulka.