War degdeg ah oo goordhaw naga soo gaaray dhanka Puntland ayaa sheegaya in uu saaka dib u qarxay dagaalkii deegaanka Suuj oo Shalay ilaa xalay ay ku dagaalamayeen Alshabaab iyo Ciidanka Puntland.
Dagaalka ayaa la isku Adeegsanayaan Hubka Nuucyadiisa kala duwan,waxaana la maqlayaa Madaafiicda halkaasi ku dhacaya.
Degaanka Suuj oo hoosyimaada Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa Dagaalka Xoogiisa uu ka soconayaa,iyadoo Ciidamada Puntland ay Weerar ku qaadeen Shabaabka halkaa ku sugan.
Sidoo kale waxaa lasoo sheegaya in laga baqdin qabo in Aaga Garacad dhulka baadiyaha ah ee ku dhaw uu ka bilawdo dagaal maadaama halkaasi ay afka aadiyeen Ciidan ka socda Puntland islamarkaana ay ku sugan yihiin Alshabaabkii dhawaan ka baxay garacad.
Lasoco Warkaan Wixii kusoo kordha insha’allah