Suuqa xoolaha lagu iibiyo ee magaalada Hargeysa waxaaa wacdaro ka dhigay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating.
Keating, ayaa kusoo wareegay gabi ahaan Suuqa weyn isaga oo gorgoriyay qiimaha la iibsho neef waliba kooda weyn iyo kooda yar.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay aad u jecel yihiin xoolaha Soomaaliga gaar ahaan Geelka.