iyadoo shalay la baajiyay diyaaradihii hubka u qaadi lahaa Puntland ayaa Maanta Dowlada Federaalka Soomaaliya labo diyaaradood oo hub iyo saanad milatari ah u dirtay Maamulka Puntland si loogu taageero Ciidamada Puntland oo dagaal adag kula jira dagalayahano katirsan Al-Shabaab.
Diyaaradahan hubka sida ayaa mid kamid ah la sheegay in ay ku deeqday Dowlada Imaaraadka Carabta oo soo marsiisay Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana hubkan iyo saanada kale ee milatari ay tahay mid lagu taageerayo Ciidamada Puntland.
Abaanduulaha ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo S/ Guuto Cali Baashi Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in ciidanka xoogga Soomaaliyeed ay mar kasta garab taagan yihiin Puntland iyo ciidanka xoogga ee qeybta 54-aad ee ku sugan deegaannada Puntland hadii loo baahdana ciidan, ay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga loo diri doona halkaasi.