Waxaa goordhow Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland gaaray labo Diyaaradood oo siday saanad ciidan iyo raashinka diyaarsan oo loogu talagalay ciidamada dagaalka ku jira goobaha furimaha ah, waxaana saanaddaan ciidan ay ka kooban tahay 5 Tan.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Puntland u soo marsiisay 3 Tan oo saanad ciidan ah taas oo iskugu jirta hubka fudud iyo rasaas loogu tagalay in ciidamada difaaca Puntland ay uga hortagaan argagixisada xeebaha Puntland ku duushay.
Dhinaca kale dowladda federaalka ah ayaa diyaaradahaan mid ka mid ah ku rartay 2 Tan oo ay ugu tala gashay Ciidamada Difaaca Puntland.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saanaddaan ka ambabixiyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sheegeen inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Puntland iyo ciidamadeeda.