Maleeshiyaadkii Al-Shabaab Ee Maalmihii lasoo dhaafay Kula dagaalamaya Ciidamada Puntland Togga Weyn Suuj Ee Gobolka Nugaal ayaa Maanta Gelinkii danbe halkaas isaga baxay.
Dad Shacab Reer miy ah oo arkayey Shabaabka halkaas ka baxayey oo saf saf u socday kuwaas oo deegaanka suuj uga baxayay Dhanka Badda.
Nin magaciisa ku soo koobay Maxamed oo lahadlay VOA ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay togga ka baxeen kadib markii Ciidamada Puntland ay qabteen Mid kamid ah Shabaabkii dagaalamayay kaas oo Sir badan u sheegay Ciidamada PL.
Waxaa uu sidoo kale sheegay Ninka Odayga ah Ee Ka midka ah dadka Reer miyga in ay tageen goobta Dagaalka uu kasoconayey isalamarkaana Tiro ahaan lagu qayaasay dagaal yahanada 150 Ruux.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay u baxsanayaan Danka Deegaanka Garmaal oo markii hore ay dooman uga soo degeen ,Ciidamada Puntland ayaa la soo sheegayaa in labada dhan ay ka fadhiyaan Xeebta.
Muurinews.com—Muqdisho
Xulka Wararka oo dhan