Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, kulamo muhim ah la qaatay saraakiil sarsare oo ciidaan oo ay kamid ahaayeen Taliyaha Guud ee Ciidanka xoogga dalka Itoobiya General Samora Yonis iyo Taliyaha sirdoonka Millateriga dalkaasi General Gabredela.
Madaxweynaha Puntland ayaa saraakiishaasi ciidan waxa uu kala hadlay sidii ay Ciidanka qalabka sida ee Puntland ay gacan uga siin lahaayeen dagaalka adag ee ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab ah ee Puntland duullaanka kusoo qaaday kuwaas oo doonaya in ay isku fidiyaan geeska Afrika.
Madaxaweynaha ayaa sidoo kale saraakiisha kala hadlay muhiimadda ay leedahay Puntland iyo Itoobiya in ay iska kaashadaan is dhaafsiga xogaha la xidhiidha kooxaha argagixisada ah iyo cid walba oo wax u dhimaysa nabadda iyo xasiloonida gaamurtey ee ka hanaqaaday Puntland iyo Itoobiya, maadaama ay jirto xuduud dheer oo ay wadaagaan Puntland iyo Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay isaga filantahay cid walba oo isku dayda inay khalkhal nabadgelyo darro ka abuurto Puntland isla markaana aanay jirin baahi loo qabo keenitaanka ciidamo shisheeye balse ay ciidanka Puntland u baahan yihiin in lagala shaqeeyo dhinacyada Tababarrada iyo taakulaynta ciidanka.
Saraakiishaasi ciidan ayaa ballanqaaday Puntland inay kala shaqaynayaan wixii tababar ciidan iyo taakulayntooda la xidhiidha ee Puntland ay uga baahan tahay Itoobiya, isla markaasina ay diyaar u yihiin in Puntland iyo Itoobiya ay kawada shaqeeyaan dhinacyada isdhaafsiga xogaha cadowga, kaas oo ah cadowga keliya ee ay leeyihiin guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Itoobiya.
.