Dagaal u dhexeeya ciidamada difaaca Puntland iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa goor dhaweyd ka qarxay baraag ku taalla deegaanka Kur-dhafaruur oo u dhexeeya Kulub iyo Mareer.
Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa Saaka soo gaaray Kurdha-faruur,ka dib markii ay xalay ka soo dhex duseen halkii lagu hareereeyay,balse waxaa ka daba yimid ciidamada difaaca Puntland oo daba socday.
Kur-dhafaruur Deegaanka Kulub ayay uga beegan tahay dhinaca Jariiban,waxaana ay ku taalla inta u dhexaysa deegaanada Kulub iyo Mareer.
Kur-dhamareer waa dhul leh dooxooyin iyo baraago,waxaana ku tiirsan dadka iyo duun-yada ku nool dhamaan deegaanada ku dhow.
Deegaanka ayaa Kulub uga beegan dhinaca degmadda Jariiban ee Gobalka Mudug,waxaana halkaasi laga maqlayaa daryanka madaafiicda.