Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Aagga dagaalku saaka ka qarxay ee Duleedka deegaanka Garacad ee gobolka Mudug oo lagu magacaabo Dabagaro ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal xoog leh oo Ciidamada Dowladda Puntland iyo Maleeshiyaadka Alshabaab dhexmaraya kaas oo la isku adeegsano hubka culus ee madaafiicda iyo kan fudud.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Puntland oo ku sugan halka dagaalku ka dhacayo ayaa warbaahinta faah faahin ka siiyey sida xaaladdu tahay, iyadoo codkiisa lala maqli la yahay dhawaaqa rasaasta, waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladdu ay madaafiic u adeegsanayaan maleeshiyaadkaan.