Saraakiisha Maamulka Puntland ayaa goordhow warbaahinta u soo bandhigay Meydadka iyo qaar kamid ah maxaabiistii laga qabtey Malayshiyaadkii Al-shabaab ee ka dagaalamayey dhanka Suuj ee dhacda Waqooyiga degmada EYL.
Maleeshiyaadkaani oo qaabab kala duwan loo qabtay ayaa waxa ay isugu jiraan kuwo bad qaba iyo kuwo dhaawac ah, waxaana ka muuqda jirkooda duruuf iyo daryeel la’aan.
Maxaabiista lasoo bandhigay ayaa waxaa ku jira kuwo aad u da’ yar oo aan sidaa usii weyneyn marka la’eego dhanka da’ dooda, kuwaasi oo waalidiintood laga soo kaxaystey isla markaana dagaalka la soo geliyey.
Mid ka mid ah Wariyaashii tegay goobta lagu soo bandhigay meydadka iyo maxaabiista ayaa faah-faahin ka baxiyey maydadka iyo Maxaabiixta ay soo arkeen, waxaana uu sheegay in maxaabiista ay ku jiraan caruur da’doodu u dhaxayso 12, 13 ilaa 15 sano jir Arrintaas oo si weyn uga yaabisay.