Wararka aan xiligaan sida tooska ah oga heleyno Magaalada Bosaaso ee xarunta dhaqaalaha Puntland ayaa lasheegaya in halkaasi kasocda kala cararkii ugu balaarnaa.
Kala cararkaan ayaa imaaday kadib markii Ciidamada Puntland bilaabayn howl galo xoog badan kasoo lagu baacsanaayo shacabka halkaasi kudhaqan waxaana lasheegaya in howl galkaan lagu qab qabtay in kabadan 100 qof.
Dhalinyaro farabadan ayaa ku firxaday howlgalkaasi iyadoo xalay Seddex qarax oo nuuca Bambaanada gacanta laga tuuro ah Magaaladaasi ay ka dhaceen.
Sido kale Amniga Boosaaso ayaa sii xumaanayey maalmahan dambe,waxa xalay sidoo kale isla Boosaaso lagu dilay Labo qof iyadoo Isbuuc keliya magaaladaasi lagu dilay lix qof sida ay wararku sheegayaan.
Ugu Danbeyntii Saraakiisha hogaamineysa Howlgalka ka socda Boosaaso waxey ka gaabsadeen inay ka hadlaan howlgalkooda waxaana hakad ku jira maanta isku socodka dadka,gaadiidka iyo midkii ganacsiga magaalada Boosaaso.