Maamulka Puntland ayaa Caawa ka hadlay Dagaalkii Xooganaa ee maanta ka dhacday Deegaanka Dabagaro oo ka tirsan Garacad, Iyadoona guulo ka sheegatay.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa sheegay in maanta ay soo bandhigayaan maxaabiista Alshabaab ay ka qabteen oo gaaray 31 halka uu sheegay inay sodoo kale hayaan dhimasho fara badan oo maydadkooda ayna soo bandhigi doonaan.
Sidoo kale Wasiir soocadde ayaa shaaciyey Magacyada iyo Deegaanada ay ka soo jeedaan Saraakiil Sar Sare oo Al-shabaab ah oo lagu dilay Dagaalka.
Wasiir Soocadde ayaa dhinaca kale ku hanjabay inay maanta soo afjari doonaan dagaalka haddii aysan isi soo dhiibin Maleeshiyaadka Halkaas ka dagaalamaya.
Mar wax laga weydiiyey Qasaaraha dhankooda dagaalka ka soo gaaray ayuu sheegay inay sedax Askari kaga dhimatay, 7 kalana ay ka dhaawacantay.