Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar gaadmo leh ku qaaday Maleeshiyaadka Dowladda Somaliya, ee degan Deegaanka Laanta Buuro oo 10km u jirta Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Xoogaga Shabaabka, ayaa weerarkaasi soo qaaday xilli ay jiifeen inta badan Ciidamada Dowladda, tiro yarna ay heegan ku jirtay, waxayna si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Laanta Buuro, iyadoona halkaas ku laayey Maleeshiyadka badan.
Shabaabku waxay dagaalka ku qabsadeen in ka badan toddobo gaari oo Maleeshiyaadka Dowladdu ay lahaayeen. Gawaarida ay qabsadeen ayaa isugu jira shan xabo oo nooca Cabdi Billaha loo yaqaano, hal gaari oo nooca ciidanka lagu daabulo iyo gaari kaloo booyad ahaa.
Alshabaab ayaana soo bandhigay