In ka badan 10 ruux ayaa ku dhintay ilaa 30 ruux dhaawacyo ayaa ka soo gaaray 2 qarax oo ismiidaamin ahaa kana dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljimka, maalmo uun ka dib markii la qabtay ninkii ka danbeeyay weerarkii Paris.
Qaraxyadaa ayaa ka dhacay qeybta dadka dhoofaya, waxaana xilliga dhacayeen soday howl lagu hubinayay dadka socotada ah dokumentiyadooda shirkadda American Airline ee laga leeyahay dalka Mareykanka.
Dadkii ka badbaaday qaraxyada ayaa sheegay inay maqleen dhawaaqyo luqada Carabiga ah iyagoo rasaas riday kadibna qaraxyadu dhaceen.
Xaalada ayaa isu bedeshay kala carar iyo qas markii qaraxyadu dhaceen waxaana magaalada Brussels ay gashay xaalad adag oo ammaan ah.
Qarax kale aya la sheegay inuu ka dhacay bartamaha magaalada Brusells goobta tareenada laga raaco, waxaana xaalad degdeg ah lagu soo rogay dalka Belguim, iyadoo dalalka kale ee Reer Yurub ay qaateen tallaabooyin dhinaca amaanka ah.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in tirada dhimashada qaraxyada magaalada Brussels ay sare u dhaaftay 21 ruux.
War cusub oo hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax kale laga maqlay goor dhoweyd magaalada Brussels, iyadoo faahfaahinta qaraxan cusub ay hadda soo baxeyso.