arar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Alshabaabkii ku duulay Puntland lana soo jabiyay kadibna shalay iyo maanta gudaha u galay maamulka Galmudug waxaana Dadka Reer Miyiga ah ee ku sugan Deganada Bariga Gobolka Mudug ee Galmudug ay xaqiijiyeen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo halkaasi soo galay.
Al-shababka Halkaasi Gaaray ayaa la sheegayaa in ay gaarayan 300,kuwasi oo dadka deeganka weydinaya wadooyinka loo maro dagmada xarardheere ,iyagoona Dhinac dadka reer meyga ay weydiinayaan biyo iyo cunta ay cabaan maadama ay soo socdeen musafo badan lamana Ogo in ay halkaasi Joogi Doonan iyo in kale.
Dhanka kale Ciidamada Galmudug ayaa Dhaqdhaqaaqyo ka wada qeybo kamid ah Bariga Galmudug oo ay ku sugan yihiin Shabaabkii Puntland kula dagaalamay garacad.
Sidoo kale waxaa jirta Ciidamo ka tirsan Galmudug oo ka baxay Gaalkacyo,kuwaas oo ku baxay degaanada Al-shabaab ay soo galeen.