Kulankan oo labo qaybood ka koobnaa, ayaa wajigiisii hore, Waxaana Goob-joog ka ahaa odayaasha-dhaqanka iyo Xubno ka tirsan Bulshada oo u joogay goobta inay dhageystaan doodda la xiriirta khilaafka ka taagan dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee dhax-martay wafdiga RW Sharm’arke iyo afar duub-dhaqameed oo uu hoggaaminayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay raalli-galin ka bixineyso sida uu hadalka u dhigay – qaladaad ka dhacay muddadii lagu guda-jiray diyaarinta Qorshaha dhismaha Maamulka labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Dhinaca kalana wuxuu xusay in wax lala yaabo aysan ahayn in arrimaha qaarkood la isku-qabto, taasoo uu sheegay inay ahayd khibrad laga korarsaday dhamaanba maamulladii soo dhismay oo dhamantood marka hore beelaha isku diidanayeen.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo isna goobta kahadlay kulanka, ayaa sheegay in mar walba dhismaha maamulka loo baahan yahay in laga hormariyo dib-u-hishiisiin iyo inay bulshadu u madax-banaan tahay in ay ka hadasho rabitaankeeda, isaga oo ka dalbaday wafdiga DF in ay ku dhawaaqaan gogol dib-u-hishiisiin ah oo laga furo magaalada Beledweyne.
Ugaaska oo si gaar ah diirrada u saarayay dib-u-hishiisiinta oo kaliya ayaan mar-naba soo hadal-qaadin arrinta la xiriirta dhismaha maamulka labada gobol iyo shirka Jowhar oo si weyn ay xoogga u saarayeen xubanaha wafdiga dowladda.
Ra’iisal Wasaare Sharma’arke oo isagana kulanka ka hadlay ayaa ka war-wareegtay labada qodobo ee ay Ugaasyadu ka hadleen ee kala ahaa dib-u-hishiisiinta iyo maqaamka gobolka Hiiraan, isagoo sheegay in ujeeddada socdaalkooda la xiriirto oo kaliya sidii ay Tallada dhismaha maamulka labada gobol dib loogu soo celin lahaa gacanta duubabka dhaqanka, wuxuuna ka codsaday Ugaasyada iyo weliba odayaasha inay fududeeyaan sidii loo Amba-qaadi lahaa dhismaha maamulka loo dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Ra’iisal wasaaraha ayaa markii danbe codsaday in kulan gaar ah ay wadda-qaataan wafdiga dowladda Somalia iyo Ugaasyada oo markii danbe shir gaar ah ku galay xarunta maamulka gobolka.
Sidaas daraaadeed Shirka oo lasoo gaba-gaboobay ayaan si rasmi ah loo ogeyn qodobbada looga wada-hadlay, inkastoo waraka qaarkood ay sheegayaan in Ugaasyadu ay weli ku Ad-keysteen mowqifgoodii hore ee dib-u-hishiisiinta iyo in marka hore ay beelaha wada-dega Gobolka Hiiraan Wada-hadlaan.
Gabagabadii kulanka ayaa waxaa warbaahinta lahadlay wasiirka warfaafinta soomaaliya kaas oo shegay in ay rajada ay wanagsantahay .waxana intaa kadib baladweyne ka anbabaxay wafdigii ra iisulwasaraha soomaaliya kuwaas oo muqdisho dib ugu laabtay ,