Waxaa wali isa soo taraaya macluumaadka laga helaayo Maxaabiistii lagu soo qabtay Dagaalka u dhexeeyay Ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka la marin habaabiyay ee Al-shabaab.
Mid kamid ah Saraakiisha iminka gacanta ku heysa Maxaabiista islamarkaana la socda xaaladooda ayaa inoo xaqiijiyay in Maxaabiista ay ka kooban yihiin dhowr khabiil kadib markii ay ku sameeyen baaritaan.
Sargaalka oo aan xogta la wadaagnay ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in badi maxaabiista ay yihiin kuwo isku reer ah, waxa uuna cadeeyay in ilaa iyo iminka tirada ugu badan ay yihiin Ogaadeen, Raxanweyn, Jareer iyo Majeerteen.
Sargaalka ayaa sheegay in Dagaalyahaanada gacanta lagu hayo ay ku jiraan dhalinyaro kasoo jeeda deegaanada Puntland oo tirro ahaan gaaraya ilaa 14 kuwaasi oo laga tashkiiliyay deegaanka.
Sargaalka waxa uu sidoo kale sheegay in Beesha ugu badan Maxaabiista ay tahay Ogaaden, waxa uu sheegay in kaalinta labaad ay ku jirto Raxanweyn, halka kaalinta Seddexaad ay ku jiro Beesha Jareer.
Sargaalka ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan Maxaabiis marba sheeganeysa beelo kala duwan oo aan si rasmi ah loo ogeyn beesha rasmiga ah oo ay kasoo jeedan.
Sidoo kale, waxa uu intaa ku daray inay jiraan dhalinyaro kasoo jeeda Beelaha Shanta caleemood iyo Gundhabe, kuwaasi oo lagu sheegay inay yihiin kuwa ugu tirada yar marka loo eego dhalinyarada kale ee kasoo kala jeeda beelaha kale.
Geesta kale, waxaa wali socda baaritaanka waxaana la filayaa in saacadaha soo socda aan helno macluumaad ka badan kuwa iminka aan idiin soo gudbinay.
Muurinews Exprass—- Marka