Wasaarada Cadaalada iyo dhaqan celinta Puntland iyo xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa maanta oo khamiis ah si wada jir ah u soo booqday xabsiga weyn ee magaalada Garaowe halkaas oo ay ugu kuur galayeen xaalada Maxaabiistii dhowaan hawlagalkii Suuj lagu soo qabtay,gaar ahaan kuwii da’doodu aad u yarayd waxaana ka muuqday isbedel dhanka nolosha ah.
Wasaaaradda cadaalada ayaa u qaybisay Dhar, Raashin fudud oo nafaqo leh iyo kutub Qura’aan ah, iyadoo xabsiga gudihiisa lagu barayo Quraanka iyo barnaamij dhaqan celin ah oo ka mid ah barnaamijyada Puntland xabsiyada ka fuliso.