Sida ay sheegayan warar aan haatan heleyno ayaa sheegaya in Dagaal xoogan udhaxeeyo Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Al-shabaab ayaa ka soconaya degaanka Shire ee Duleedka Degaanka Budbud ee Bariga Gobolka Mudug.
Sido kale Dagaalkan oo la isku adeegsanayo Hubka Nuucyadiisa kala duwan ayaa hadda si Xoog leh uga socda Tuulada lagu Magacaabo Shire oo duleedka ka ah Degaanka Budbud ee Bariga Gobolka Mudug.
Sida goob jogayaal noo xaqiijiyeen Al-shabaabka la dagaalamaya Ciidamada Galmudug ay yihiin,kuwii Ciidamada Puntland kula dagaalamay Aagga Degaanka Garacad ee Gobolka Mudug.
Wali lama Oga Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Dagaalka ka socda Bariga Gobolka Mudug.
Faah Faahin dheeri ah Goordhow naga filo in shaa Allah