Iyadoo dhowr jeer oo sii horeysay ay QM digniino is xigxigay ay kasoo saartay arrimaha Doorashooyinka Somalia, ayaa waxaa mar kale soo baxaaya digniino taa lamid ah oo loo diraayo Madaxda Qaranka.
Digniintaani ayaa waxaa soo saaray Xubnaha Golaha Amaanka ee QM, oo sheegay in Somalia aysan qaadan karin in muddo kordhin loo sameeyo Dowlada hadda jirta.
Xubnaha Golaha Amaanka ayaa sidoo kale, soo dhaweeyay ballan-qaadkii Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in dalka ay doorasho hufan ka dhacayso sannadkan lagu jiro ee 2016-ka daba-yaaqadiisa.
Xubnaha oo warbixintaani digniinta ah ku lifaaqay tan muddo kordhinta loogu sameeyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia UNSOM, ayaa waxaa sidoo kale baaq loogu diray dhammaan madaxda maamullada dalka ka jira oo la faray inay taageeraan go’aankii laga soo saaray Muqdisho ee ku aadanaa hannaanka doorasho ee dalka ka dhici doonta.
Sidoo kale, Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxa ay sheegen in DFS aan wax muddo ah loogu kordhin karin xilligeeda shaqo, ayna tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo markii la gaaro dhammaadka xilli-hawleedka Dowladda hadda shaqeynaysa.
Dhinaca kale, xubnuhu waxa ay si wada jir ah qalinka ugu duugen in mudada harsan ay ka shaqeyn doonaan Xoojinta hay’adaha ammaanka Somalia, gaar ahaan dhimashada Ciidamo Qaran oo awood leh, isla markaana la Dar-dar-geliyo hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay iska Kaashanayaan ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM.