Bangiga Premier ee Somalia, ayaa markii ugu Horreysay taariikhda keenay Somalia adeeegga kaararka ee VISA, taasoo la jaan-qaadaysa siyaasadda Bangiga ee ku saleysan in la xoojiyo isticmaalka hababka lacag-bixinta ee Casriga ah ee ay kaararku ka mid yihiin. Qaybta hore ee heshiiskan dhex-maray VISA & Premier Bank ayaa u Suuro-gelinaysa Macaamiisha haysta Card-ka Visa in ay ku Isticmaali karaan ATM-yada Premier Bank ee yaalla guud ahaan dalka.
“Waxaan aad ugu faraxsan-nahay in Bangiga Premier uu noqdo Macmiilkii ugu horreeyay ee adeeggeenna ka hirgeliya Somalia. Waxaana sii wadi doonaa inaan hormuud u ahaanno gacan-ka-geysashada dhisidda hay’ado maaliyadeed oo la isku halleyn karo, isla markaana fursad u siinaya qof kasta oo Somali ah. Waxaan rajeynayaa in wada-shaqaayntan Premier Bank ay dardar-geliso habka casriga ah ee lacag is weydaarsiga Somalia” ayuu Maamulaha Guud ee VISA ee Koonfurta iyo Bariga Qaaradda Afrika, Jabu Basopo.
Sidoo kale, wixii ka dambeeyay heshiiskaan, ATM-yada Premier Bank ayaa Macaamiisha wata kaararka VISA siinaya Adeegyada ay ka mid yihiin: lacag la bixidda iyo ogaanshaha haraaga xisaabaadkooda guud ahaan Soomaaliya.