Maxaabiis hor leh oo kor u dhaafaya 18-ruux ayeey ciidanka Puntland kasoo qabteyn deegaano u dhaw magaalada Qardho kuwaas oo ka mid ahaa ciidankii Alshabaab ee duulaanka qaaday.
Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa sheegtay in maxaabiistaasi lagu soo qabqabtay howlgal ay Ciidamada ka sameeyen duleedka Degmada xeebta saaran Bander Bayla, raggaan oo kamid ah maleeshiyaadkii Al-shabaab ee galay Togii Suuj ayaa kamid ahaa dagaalyahanadii dhinaca miyiga u firxaday oo lagu raad joogay.
Saraakiishu waxa ay sheegen in qabashada maleeshiyaadkan ay iska kaashadeen dadka reer Miyiga ah iyo ciidamada amaanka ee Degmada Bander Bayla oo raggan gacanta kusoo dhigay xili iyagoo habow ah marayey tuulooyinka ku dhaw xeebta.