Nin Waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa isku qarxiyay garoon kubada cagta lagu ciyaarayay oo kuyaala magaalada Iskandariya ee kutaala duleedka magaalada Bagdaad ee Caasimada dalka Ciraaq.
Inta la xaqiijiyay qaraxan ismiidaaminta ah waxaa ku dhintay 29-qof oo u badnaa dad garoonka u tagay dawashada ciyaarta, waxaa sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay dad ka badan 60-qof oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.
Qaraxan ayaa dhacay xili ay soo dhamaatay ciyaarta kasocotay garoonka la qarxiyay balse lagu mashquulsanaa bixinta abaalmarino la siinayay kooxo guuleestay, waxaana dadka dhintay ku jira Duqii magaalada Iskandariya.
Kooxda Daacish ayaa durba sheegatay masuuliyada weerarkan ismiidaaminta ah ee ka dhacay garoonka kubada cagta lagu ciyaaro, waxaana qaraxan fuliyay sawirkiisana lasoo bandhigay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Saifullah al-Ansari.
Magaalada qaraxu ka dhacay ee Iskandariya kuna taala duleedka magaalada Bgadaad, waxaa kuwada nool dadka Shiicada iyo Suniyiinta, waxaana magalaadaasi ay aheed mid inta badan aysan ka dhicin qaraxyada ay fuliyaan kooxda Daacish.