War ku soo dhacay Wakaalada Wararka Muurinews.com ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan lagu booriyay inuu wada hadal lagalo sidii lagu soo sii deyn lahaa dhalinyaradii u dagaalameysay Shabaab ee gacanta ku dhigtay maamulka puntland.
Dhalinyaradaan oo ka badan 30-dagaalyahan ayaa hada ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Garowe halkaasi oo lagu dhibaateeyo Digil iyo Mirif.
sidoo kale waxa maanta kulan gaar ah Baydhabo kula qaatay Shariif Xasan laguna dhiira geliyay inuu dadaal u galo sidii dhalintaasi gacanta Maamulka Puntland looga saari lahaa,maadama hada maxbuus ay ku yihiin Garowe.
Waxay qirteen Waxgaradka in dhalinyarada ay qaldameen,islamarkaana la doonayo in dib dhaqan celin guryahooda loogu sameeyo lana midoobaan qoysaskooda,maadama wali dhalinyar yihiin.
Lama oga go’aanka uu qaadan doono madaxweynaha maamulka K/galbeed Soomaaliya inuu la hadlayo Maamulka Puntaland iyo in kale.
Maamulka Puntland ayaa dhawaan dagaal adag la gashay Koox ka tirsan Al-shabaab oo galay deegaanada Maamulka Puntland
Dhalinyarada oo inta badan warbaahinta lagu soo bandhigay ayaa ka soo jeeda Beesha Raxaweyne waxayna dhamaantood sheegeen in la soo qalday.