Sida aan kasoo xiganay illo xog ogaal ah R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa qodobo muhiim ah hor dhigay Madaxda iyo Waxgaradka Puntland si ay u aqbalaan nidaamka 4.5-ka.
Qodobada R/wasaaraha uusoo jeediyay ayaa ah Sidan:
1- In Puntland loo qaramaynayo 3,000 oo askari.
2-In loo kordhinayo xubnaha ay ku yeelanayaan Golayaasha sare iyo hoose.
3-In Deeqaha Waxbarasho ee Puntland ay ka cabanayso la xalinayo.
Sidoo kale R/wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta kulan balaaran la qaadanaya Madaxda Puntland, waxgaradka iyo Siyaasiyiinta si go’aan mideysan looga qaato nidaamka 4.5-ka.