Waxaa dhawaanahaan dalka Sweden Iyo Germany ay qorsheynayeen in ay dib u celiyaan dadka qaxootiga ah ee dalalkooda si xooga ah ugu soo qulqulaya, kuwaasi oo aan ku guuleysan dacwadoodii aheyd in ay kasoo carareen dalalkooda oo ay ka sheegteen dhibaatooyin daran oo ka jira halkaasi.
Sweden: Dowladda Sweden ayaa waxaa la sheegaya in dib u celintaasi, ay kala kaashan doonto Hay’addo caalami ah oo ka shaqeeya howlahaasi.
Dib u celinta dadkaasi ayeey dowladda Sweden waxaa ay si gaar ah dib u celin ku sameyn doontaa dadka qaxootiga ee wadankaasi ka sameeyay qalalaaso rabshado dhaliya, sida kuwa ka qeyb qaatay arrimaha Daroogadda, Dilalka, iyo soo tahriibinta dadka, iyo waliba kuwa looga shaki qabo arrimaha argagixisada.
Ugu yaraan dad kor u dhaafaya 80,000 ayaa waxaa la wadaa in dib loogu celiyo dalalkooda, kuwaasi oo ku fashilmay waxyaabihii ay ku andacoonayeen in aysan dalkooda ugu laaba karin.
Ugu danbeyntii ku dhawaad 163,000 Oo Qaxooti ah ayaa gudbistay waraaqadahooda kuwaasi oo sanadkii tahgay ee 2015-ka oo kaliya gaaray Sweden, Waxaana hada dowladda Sweden u xiran wiil soomaliyeed oo dilay gabar u dhalatay dalkaasi, isaga oo laga yaabo in dib loogu celiyo Soomaaliya
Germany: Dowladda Jarmalka ayaa bilaawday in ay dib u celiso qaar ka mid ah dad qaxooti ah, kuwaasi oo dalka Jarmalka ka heli waayay aqoonsi qaxootinimo, dadkaan dib loo celinayo qarashaadka ku baxaya waxaa gacan weyn ka geysanaya Hay’adda REAG/GARP return programme.
Dhanka kale arrinta dib u celinta Qaxootiga ayaa waxaa loo qeybiyay labo Group- waxaana hada bilaawday dalalka Group- A oo ay ku jiraan. Afgaanistaan, Ciraaq,Itoobiya,Irateeriya,Naageeriya,Pakistaan iyo Gaana, waxayna helayaan qofkiiba lacag gaaraysa €500.
Halka Group-ka B-na oo ay ku jirto Suuriyaan-ka kuwaasina waxay heli doonaan min qofkiiba lacag gaaraysa €300.
Ugudanbeyntii Dalka Jarmalka ayaa la daala dhacaya dadka faraha badan ee dalkiisa kusoo socda, halka uu dib u celinayo dad badan oo arimaha iyo siyaasabaha ay dalkaasi isaga dhiibeyn ay dowladda Jarmalka ku qanci waysay.
Garmalka ayaa hada wada ol-olo loogu hortagayo dadkaasi qaxootiga ah ee kusoo qul-qulaya dalkiisa, kuwaasi oo badankood ka yimid dalal aan dhibaato badan ka jirin, waxaana hada socda qorshaha ka hortagaa Qaxootiga.