Maareeyaha Garoonka diyaradaha degmada Lambar Konton ee gobolka Shabelaha Hoose Aweys Taakoow Cusman ayaa ka hadlay xeritaanka Garoonka Diyaaradaha degmada Lambar Konton oo xiran mudo ka abdan Labo Bilood waxa uuna sheegay in Garoonka Diyaaradaha magalada Jowhar dib loo furo halka kan Lambar Konton la xiro.
Sidoo kale Aweys Taakoow ayaa sheegay in dowladda Somaaliya ay ka eexatay dadka degan gobolka Shabelaha Hoose islamarkaana horumar walbo ay gaarto ay joojiyaan sida uu ahdalka u dhigay.
Dowladda ayaa sheegtay in Garoonka Lambar Konton ay u xirtay arimo dhanka amniga ah balse waxa uu sheegay in amni ahaan ay Jowhar ka waanaagsan tahay Lambar Konton balse arintaas ay u baahan tahay in la farageliyo.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in ay iminka wadaan wadahadalo ku aadan sidii dib loogu furi lahaa Garoonka Lambar Konton ayna sameyn doonaan wax walbo oo iskuday ah.
Aweys Taakoow ayaa meesha ka saaray in mas uuliyiinta ka soo jeeda shabeelaha hoose , Ama Deegaanka aan lagala tashanin furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Deegaanka Lambar Konton.