Siyaasiga C/raxmaan Macallim C/llaahi “Baadiyow” oo ka tirsan Hoggaanka Xisbiga Midnimo Qaran ayaa dhaliilay qaabkii uu Xasan Shekh u abaaray sidii uu Odayaasha Dhaqanka Reer Hiiraan ugu qancin lahaa inay ka qeyb galaan Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Baadiyow oo Wareysi Khaas ah siiyey Radio Dalsan, waxa uu ku eedeeyey Madaxweynaha inuu kala qeybinayo, isla markaana uu khilaaf ka dhex abuurayo Odayaasha Reer Hiiraan, waa sida uu hadalka u dhigay.